Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Nairobi (Sawirro)

Wararka Maanta

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo saaka ka ambabaxay Caasimadda Muqdisho ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ka mid yihiin Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Saraakiil Ciidan ayaa waxaa garoonka Jommo Kenyatta kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Monica Juma iyo Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee kenya Mudane Cali Maxamed Sheikh.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maaanta galinka dambe la kulmi doono Dhigiisa Kenya Uhuru Kenyaata, iyagoona ka wada hadli doona arrimo quseeya Labada Dal.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in Booqashada Madaxweynaha ay qaadan doonto Hal maalin.