M. Xaashi iyo Cali Gacal oo aqbalay Dhexdhexaadinta Dowladda Federaalka

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa warqad ay u direen wasiirka Arimaha Gudaha DFS waxa ay ku sheegeen in ay aqabaleen baaqii wasiirka ee ahaa la dhexdhexaadiyo Madaxda Galmudug, xalna loo helo tabashada beelaha Galmudug.

Labadan Masuul oo ku sugan Magaalada Cadaado ayaa hogaaminaya garab ka soo horjeeda Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Madaxweyne Xaaf ayaa horey u diiday baaqa wasiirka. sidoo kale Hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir ayaa bayaan uu soo saaray dowladda federaalka ah ku eedeeyey in ay waddo faragalin iyo dhibaateyn Galmudug.

Halkaan ka aqriso warqadda jawaabta Maxamed Xaashi iyo Cali Gacal.