Madaxweyne Farmaajo oo Booqasho ku tagaya Puntland

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu dhawaan booqasho ku tago Magaalada Garoowe caasimadda maamul goboleedka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgali doona  19-guuradii ka soo wareegtay xuska aasaaska maamul goboleedka Puntland oo ku aadan 1-da Bisha August , waxaana la filayaa in uu Madaxda Puntland kala hadlo sidii dowladda federaalka ahi ula wareegi laheyd maamulka dekadda Boosaaso, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu booqdo magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug oo ay kawada taliyaan labada Maamul Galmudug iyo Puntland.

Diyaargarowga xuska sanadguurada Aasaaska Puntland ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Garoowe, waxaana aad loo adkeeyey amaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa marka uu tago Puntland inuu Booqdo xarumaha Maamulka Puntland isagoo kulamo la yeelan doona qeybaha bulshada waana safarkiisii ugu horeeyey ee uu Puntland ku tago tan iyo markii xilkaas loo doortay. Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u booqday xarumaha maamul goboleedyada qaarkood sida Cadaado, Baydhabo,  iyo Kismaayo.