Madaxwaynayaasha puntland,jubaland iyo koonfur galbeed oo nairobi kuwada sugan

Wararka Maanta

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa isugu tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasoo si kala gaar gaar ah u gaaray saddexdii maalin ee u dambeysay.

Safarka Saddexda Madaxweyne dowlad goboleed ayaa la sheegay inuu isku soo aaday, waxaana si kala gaar gaar ah u soo dhoweeyay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya iyo Mas’uuliyiinta Soomaalida ee ka tirsan dowladda Kenya.

Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, iyo Koofur Galbeed ayaa kala degan saddex hotel oo ku yaalla magaalada Nairobi, kuwaasoo si kala gaar gaar ah u qaabilaya wakiilada beesha Caalamka iyo Mas’uuliyiinta Soomaalida ee Hotelka ku soo booqanaya.

Safarka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa ku soo aaday maalmo kaddib markii uu shir ugu soo dhamaaday magaalada Boosaaso, kana soo saareen war murtiyeed ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya.

Lama oga saddexda Madaxweyne dowlad goboleed ee isugu tagay Nairobi inay kulamo gaar ah yeelan doonaan iyo in kale, waxaana marka laga soo tago is xulufeysiga ka dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Jubbaland, Maamulka Koofur Galbeed ayaa la safan dowladda Federaalka, mana jiro xiriir gooni ah oo uu la leeyahay labada maamul ee kale oo  dowladda Federaalka ay is khilaafsan yihiin.