Shabaab oo la wareegay degaan u dhow Baraawe

Wararka Maanta

Al-Shabaab ayaa xalay la wareegay  Degaanka Rasadaay ee duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay isaga baxeen Ciidanka AMISOM. Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii isaga baxay Degaanka Rasadaay, iyadoona ay muddo gaaban kadib la wareegeen Shabaabka.

Ciidamada Uganda, ayaan la garanayn ujeedada ay uga baxeen degaankaasi, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM.  Maamulka Degmada Baraawe, ayaa waxaa laga soo xigtay in Ciidamada Uganda ay degaankaasi uga baxeen xeelad dagaal, sababo ku aadan Ciidanka Xoogga Dalka oo dhaq dhaqaaqyo ka wada Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka reer Baraawe, ayaa waxay sheegeen in Rasadaay ay muhiim u ahayd goobaha laga difaaco Degmada Baraawe, oo dhawr sano ka hor lagala wareegay Shabaab.