Home > Wararka Maanta > Maamulka degmada Jowhar oo beeniyay nin oday ah oo Al-shabaab dileen in uu iyaga katirsanaa

Maamulka degmada Jowhar oo beeniyay nin oday ah oo Al-shabaab dileen in uu iyaga katirsanaa

Wararka Maanta

 

Guddoomiye Baareey oo la hadlay weriye ka tirsan jowhar.com ayaa sheegay in Cali Cabdulaahi uusan ahayn xilligan guddoomiyaha xaafada Buula-shiikh balse uu ahaa oday howlgab ah.

“Aad ayaan uga xumahay in qof da’ ah lagu eedeeyo inuu xil ka hayo maamulka degmada Jowhar kadibna la dilo,waxaan idiin sheegayaa in guddoomiyaha xaafada Buulo Sheekh uu yahay nin la yiraahdo Cabdi Bariise,”ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Baareey.

Guddoomiyaha degmada Jowhar ayaa sheegay in howlgab ah oo aan wax xil ah haatan aan ka hayn maamulka degmada Jowhar uuna qof oday howlgab ah oo siddeetan sano jir ah.

Ururka  Al-Shabaab ayaa dil toogasho ah ku fuliyay Cali Cabdulaahi oo ay ku eedeeyeen inuu ka mid yahay maamulka degmada Jowhar.

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Baareey ayaa uga digey shacabka ku nool degmada Jowhar ee garsoorka u raadsada maxkamadaha Al-Shabaab ay maamulaan in sharciga la horkeeni doono.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!