Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdiga Ahlu sunno

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay madaxda Ahlu Sunnah Wal Jamaacah si looga dardargeliyo wadahadallada magaalada Muqdisho uga socda dowlad goboleedka Galmudug iyo maamulka Ahlu sunno.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Macallin Nuur, wasiiru dowlaha howlaha Guud Axmed Cabdi Kaariye ayaa sidoo kale ka qeybgalay kulanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirigaliyey Ahlu sunno inay ka miradhaliyaan wadahadalada Muqdisho ka furmay, dowladuna ay taageero la garab taagan wada hadlka labada Dhinac.

Habeen hore ayey aheyd markii wafdiga Ahlu sunno kulan la qaateen Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre, halkaas oo uu ku magacaabay guddiga dhexdhexaadinta.

FB_IMG_1492547505846 FB_IMG_1492547508887FB_IMG_1492547512142 FB_IMG_1492547515772 FB_IMG_1492547522249 FB_IMG_1492547526605 FB_IMG_1492547530024 FB_IMG_1492547533729 FB_IMG_1492547537062 FB_IMG_1492547540305