Itoobiya oo ka hadashay sababta ay ciidamadooda ugala baxayaan Soomaaliya

Wararka Maanta

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Getachew Reda ayaa sheegay in ciidamada aan ka tirsaneyn howl galka AMISOM ee ka socda Itoobiya ay la baxayaan, maadaama in muddo ah ay caawinayeen Ciidamada dowladda Federaalka iyo AMISOM.

“Joogitaankeena ayaa ah labo nuuc, 2,000 oo askaru ayaa nooga mid ah howl galka AMISOM, waxaa intaa dheer in dhowr kun oo kale inay caawinayaan AMISOM iyo ciidanka dowladda Federaalka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, askarteena aan ka mid aheyn AMISOM qasab ma ahan inay sii joogaan”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Getachew Reda.

Getachew Reda ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamadooda ka tirsan AMISOM ay sii joogayaan Soomaaliya, illaa Ciidamada AMISOM waajibaadkooda u soo dhamaanayo.

“Go’aanka aan Halgan ugala baxnay ciidankeena waa inaan meesha ka saarno ciidamada kale ee aan hoos tagin AMISOM”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku biiray howl galka AMISOM sanadkii 2014, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay ay kumanaan ciidan soo galayeen gudaha Soomaaliya, iyagoo taageerayay ciidankooda qeybta ka ahaa howl galka AMISOM.

Dad badan ayaa ku macneenaya ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya inay sabab u tahay kacdoonka ka socda gudaha dalka Itoobiya, iyadoo dowladda ay xaalad deg deg ah oo soconaya muddo lix bilood ku soo rogtay, kaddib markii ay xoogeysteen dibad baxyada ay wadaan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada.

Ciidamada Itoobiya ayaa horay uga baxay deegaanada Moqokori, Halgan, Ceel Cali oo ka tirsan Hiiraan, waxaa kaloo ay faarujiyeen maanta degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, sidoo kale waxay horay uga baxeen deegaanada Bud Bud iyo Galcad oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Comments are closed.