Warar goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in saaka ay Ururka daacish qabsadeen degmada Qandala ee gobolka Bari maamulka Puntland, Waana degmadii ugu horeyey ay daacish si rasmi ah ula wareegaan, dagaalyahano ka tirsan ayaa weerar kusoo qaadeen degmada, islamarkaana la wareegeen guud ahaan degmada , masuuliyiin ka tirsan Puntland ayaa xaqiijiyey qabsashada Qandala.
Daacish ayaa billihii lasoo dhaafay joogay agagaarka degmada Qandala, waxaana dhowr jeer dagaal dhexmaray ciidmada Puntland iyo kuwa Daacish, Qabshada Qandala ayaa timi xilli magaalada Gaalkacyo ay ka taagan tahay colaad u dhaxay Puntland iyo Gal-mudug, waxaan Gaalkacyo la geeyey ciidamo badan oo qaarkood laga keenay gobolka Bari.
Xigasho: warbaahinta Puntland
Comments are closed.