Boosaso:Dhimasho ka dhalatay Ciidamo Rasaaseeyay dad banaanbaxayay

Wararka Maanta

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta gebi ahaanba Suuqa Magaalada Boosaaso uu xiran yahay.

Wariyaasha ku sugan Boosaaso ayaa waxa ay soo sheegayaan in dhaq dhaqaaqa Ganacsi ee Suuqa ay xireen dadweyne ka careysan Sicir barar waayadaan ka jira Suuqa Magaalada Boosaaso.

Banaanbaxayaasha careysan ayaa dhagxaan iyo Jiingado ku xiray laga soo bilaabo Suuqa Caanaha Boosaaso iyo Xarunta Dowladda Hoose.

Waxaa sidoo kale rasaas ku ridaya Ciidamada Puntland dadkaas taas oo sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawaca 5 ruux oo kale xaalada ayaana hadda ah mid kacsan.