Leroy Sane Oo Garoomada Ka Maqnaanayo Muddo Lix Isbuuc Ah

Ciyaaraha

Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Manchester City Leroy Sane uu garoomada ka maqnaan doono muddo lix isbuuc ah ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii Cardiff City.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka, oo leh 7 gool sidoo kale 12 caawinaad ka sameeyay Premier League ah iyo Champions League xilli ciyaareedkaan, ayaa  garoomada muddo ka maqnaan doona.

City ayaa xaqiijisay habeenkii isniinta in Sane ay soo wajahday xaalad caafimaad oo ka soo gaartay kulankii Cardiff Cty, 22 jirkaan ku qasbay inuu garoonka ka baxo kulankii ay 2-0 kaga badiyeen ee FA Cup.

Isagoo la hadlayay suxufiyiinta ka hor kulanka Arbacada ay la ciyaarayaan West Bromwich Albion, Guardiola ayaa xaqiijiyay in ku dhawaad bil iyo bar uu dhaawac ku maqnaan doono.