Pierre-Emerick Aubameyang Oo U Safraya London

Ciyaaraha

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa inuu imaanayo London galabta Talaadada si uu ugu dhameystiro hishiiska uu kaga soo wareegaayo Borussia Dortmund ee Arsenal.

Heshiis 60 milyan oo ginni ah ayaa la fahamsan yahay in ay ku heshiiyeen labada kooxood, taasoo u jiheysaneysa xiddiga reer Gabon si uu u dhameystiro wareega xiga.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News, hishiiska ayaa udhow in la dhameystiro iyadoo 28 jirkaan uu ka tagay Dortmund Airport horaantii maanta isagoo raacay diyaarad gaar loo leeyahay oo u socota caasimadda Ingiriiska.

Aubameyang ayaa noqon doona saxiixa rikoorka suuqa kala iibsiga ee Gunners hadii ay dhamaantood isla afgartaan, laakiin warar kale ayaa sheegaya in BVB ay weli raadineyso bedelka ka hor inta aysan fasixin.

Ka dib markii ay guul darreysatay isku daygeedii ay ku dooneysay Olivier Giroud kooxda Westfalenstadion, Dortmund ayaa tan iyo markaa Michy Batshuayi iyo Anthony Modeste  u soo jeestay inay keenaan kooxda ree jarmal.