Al-shabaab oo weerar ku qaaday Beled Xaawo

Uncategorized

Al-Shabaab ayaa saakay aroortii weerar ku qaaday degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo, iyada oo la soo sheegayo in ay la wareegeen.

Al Shabaab, ayaa dhinaca bariga ka weeraray degmada Beled Xaawo, iyagoona dagaal kula wareegay xero ay Ciidamada Jubbaland ku lahaayeen wadada laga soo galo degmadaasi.

Wararka, ayaa waxay intaa ku darayan in Ciidamadii Jubbaland ay isaga baxeen degmada, iyadoona wixii xilligaasi ka dambeeyay ay Shabaabku isu ballaariyeen Xaafadaha Magaalada Beled Xaawo.

Qof ka mid ah dadka degmada Balad Xaawo ayaa dalsan u sheegay  in xaaladu iminka y tahay mid kacsan isla markaana Goobihii Ganacsiga iyo waxbarashada ay gebi ahaanba xeran yihiin.