Inkabadan labaatan ruux oo isugu jirey oday dhaqameedyo iyo nabadoono muddo ku dhow bilk u xirnaa saldhiga Booliska magaalada Jowhar ayaa xalay laga sii daayay xabsiga iyagoo la geeyay xarun uu shir dib u heshiisiin ah ugaga socday.
Oday dhaqameedyadan oo u joogay magaalada Jowhar shir lagu heshiisiinayay beelo ku dagaalamay deegaan ka tirsan degmada Cadale ayaa sii deyntooda waxa ay ku timid kadib markii ay ogolaadeen in shirkii hore ugu socday labada beel inuu dib u bilowdo.
Sidoo kale sii deynta duqeydan ayaa waxaa qeyb ka qaatay waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe waxaana lagu wadaa in shirkii lagu heshiisiinayay labadan beelood uu berri dib ugaga bilowdo magaalada Jowhar.
Sii deynta oday dhaqameedyadan ayaa ku soo beegantay iyadoo magaalada Jowhar uu ka socdo olole doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle oo lagu wado in toddobaadka soo socoda lagu qabto magaalada Jowhar.
@Jowhar.com