Kulano Xalay ka dhacay Garowe

Wararka Maanta

Kulamo kala duwan oo u dhaxeeyay Madaxda maamul goboleedyadda ayaa Xalay ka dhacay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Kulamaddan ayaa ahaa kuwo diiradda lagu saarayay Wada shaqeynta maamulada, waxaana ka garwadeen ka ah Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Dani.

Magaalada Garowe ayaa waxaa ku sugan dhammaan Siyaasiyiinta Mucaaraadka ah ee dowladda kasoo horjeedda , Madaxda maamul goboleedyadda, Wafdi ka socdda dowladda dhexe iyo Beesha Caalamka.

Maalinta Maanta ayaa lagu waddaa in ay dhacdo Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Dani iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, waxaana la sugayaa Maxawayne Farmaajo, Madaxwaynihii hore Dowladdii KMG Sh Shariif Sh Axmed, oo ku kala imaan doona labo Diyaaradood oo kala duwan iyo Madax ka socota Beesha Calaamka