Soomaaliland oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Gen.Guulwade

Wararka Maanta

Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay warka ka soo yeeray Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo xubin ka ahaa guddiga dhab u heshiisiinta wadahadalada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Koore oo sidoo kale ah Afhayeenka Xukuumada Somaliland ayaa maanta Warbaahinta magaalada Hargeysa ugu sheegay in shacabkooda uu uga tacsiyadeynayo hadalka ka soo yeeray Taliyaha.

“Farmaajo Marka uu ninkaas u magacaabey Wada hadalada Somaliland waxaa muuqatay inaanu jecleyn inuu sii socdo Wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya isla markaana dhibtii ay geysteen waagaasi ay hada dheefteedii heleen Meydkoodina illaa hada la kale guri la’yahay” ayuu yiri Wasiirka.

Jen. Guulwade oo ahaa Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed xilligii ay dhaceysay dowladdii Milateriga aheyd ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre ayaa sheegay inuu sax ahaa duulaankii dowladdii Kacaankii aheyd ku qaaday Gobolada Waqooyi ee hadda la baxay Somaliland, isagoo ku sababeeyay in duulaankaas loo qaaday si loo difaaco midnimada iyo qarannimada dalka.

Si kastaba madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku sifeysay hadalka uu Warbaahinta siiyay C/raxmaan Guulwade oo xubinimadiisii guddiga dhab u heshiisiinta iska casilay inuu yahay mid ka fog waaqaca, isla markaana uu dhaawacayo wada hadalada haatan loogu gogol xaarayo in la isku soo dhoweeyo dadka Soomaaliyeed