Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Baxay Shacabka Somaaliyeed

Wararka Maanta

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur  Shuute Guddoomiyaha Darajada Koowaad ee Maxkamada Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xukunada ay fuliso Maxkamada iyo wadooyinka ay maraan.

Waxa uu sheegay in Xukumadaas oo maro wadao sharci ah kuu ku saleysan diinta Islaamka islamarkaana ay tahay wax been abuur ah dadka qaar ee go’aaamda Maxkamada ku tilmaamaya mid aan sisharci ah aan loo marin.

Xasan Cali Nuur  Shuute oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale sheegay in Xukunada ay yihiin kuwo in badan laga fikiray islamarkaana cadaalada ku saleysan.