Akhriso:Tirada Soomaalida Lagu Dilay K/Africa Sanadkii 2017

Wararka Maanta

Dalka Koofur Afrika ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2017 waxaa lagu diley muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradoodu gaareyso 137 ruux halka 74 kalana ay dhaawacyo soo gaareen.

Soomaalida lagu diley wadanka Koofur Afrika ayaa waxa ay badankood ahaayeen dhalinyaro ganacsato ah iyadoo dilalkan loogu geysey goobo ganacsi sida uu sheegay guddoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Koofur Afrika Cabdi Calas Guure.

53 ka mid ah muwaadiniinta Soomaalida ee la diley sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa lagu diley magaalada Cape Town ayaa ah magaalada lagu diley Soomaalida, sidoo kale gobolka Gauteng ayaa lagu diley 42 halka gobolka Limpopo iyo Eastern lagu diley 36.

Dowlada Koofur Afrika ayaan sharciga horkeenin dadka ka dambeeya dilalka loo geysto Soomaalida ku nool wadankaas. Kumanaan Soomaali ah oo u badan dhalinyaro oo ka tegey dalkooda ayaa ku leh ganacsi kala duwan gobolada uu ka kooban yahay wadanka Koofur Afrika.

@Jowhar.com