Kumaan doosta dowlada oo oday dhaqameed ku dilay wanlawayn

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya Ciidamada Kumaandooska uu Mareykanka tababaray oo saldhigooda yahay Garoonka Balli-doogle ay xalay degmadaas ku dileen oday la sheegay inuu deegaanka caan ka ahaa.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta maxalliga ayaa sheegay in Ciidamada Kumaandooska ee ka yimid dhanka Balli-doogle ay gurigiisa ku dileen Axmed Xuseen oo ahaa oday si weyn looga yaqaano deegaanka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamadan ay horay u qaateen Meydka odaygan, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in aanay garaneyn sababta loo qaatay meydkiisa.

Howlgalada Ciidamada Kumaandooska ee degan Garoonka Balli-doogle ayaa ah kuwo gaar ah, waxaa horay u jiray howlgal sidan oo kale uga sameeyeen degmada Wanlaweyn oo dadka deegaanka aad uga caroodeen.

Sanadkii 2018 ayay aheyd markii Ciidamada ay degmada Wanlaweyn ku dileen Wadaad lagu magacaabi jiray Macalin Nuur Cismaan Bilaal, kaddib markii ay ugu dhaceen hoygiisa, mar dambe ayaa saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka waxay sheegeen in wadaadkaas ka tirsanaa Al-Shabaab, lana dagaalamay ciidamada.