Al-Qaacida oo ka hadashay Weerarkii Al-Shabaab ay ka fuliyeen Kenya

Wararka Maanta

Ururka Al-Qaacida ayaa war kasoo saaray weerarkii dhawaan Al-Shabaab ay ku qaadeen Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya Hoteel ku yaalla,halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 21 qof.

Warka kasoo baxay Al-Qaacida ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi ay soo dhaweynayaan sidda uu dhacay, islamarkaana Cid kaste oo Kenya iyo dalalka reer Galbeedka dagaal kula jirto ay soo dhaweynayaan.

Al-qaacida ayaa mar kale ku celisay in weerarkaasi uu Jawaab u ahaa ka go’aankii uu madaxweynaha Mareykanka uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda.

“Waxaan taageeraynaa oo aan barakeynaynaa howlgalladii Qudus “ayaa lagu yiri qoraalka.

Warka ayaa lagu sheegay  in howl-galkaas ay fuliyeen Afar ka mid ah ciidamada loogu magac darar  Jeyshul Cusrah, oo ah ardaydii Saalax Cali Alnabhaani.