Kenya oo qarka usaaran inay isaga harto dacwada badda ee soomaaliya kala dhexeysa

Wararka Maanta

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay qarka u saaran tahay inay ka baxdo dacwadda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay warbaahinta Dowladda Ayuu sheegay Axmed Cali Daahir in Kenya ay qarka u saaran tahay in ay isaga baxdo dacwadda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliya.

Kenya ayaa dalbatay dhawaan in dib loo dhigo dacwadda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliya ee ka furan ICJ,si ay u qorato qareenno cusub oo difaaca.

Kulan Guddiga Amniga iyo Nabadda Afrika ku yeeshay Addis Ababa,ayay Kenya ka sheegtay inay dooneyso in dacwadda Badda Soomaaliya ee ay Kenya sheeganeyso lagu xalliyo wadahadal, dibna loo dhigo si ay u qorato qareenno xooggan oo difaacda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in dacwaddan loo daayo maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo dhageysigeeda u muddeysay 9-ka bishan.