Aw-dheegle:lawareegida CXD kadib qarixii labaad oo ka dhacay maanta

Wararka Maanta

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay dhowr kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu qarax ka dhacay bartamaha magaalada Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose.

Qaraxa ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah,isla markaana ay la qaraxday dad howlo nadaafadeed ka waday meel u dhow fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen gudaha degmada Awdheegle.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa  inuu ka dhacay meel aan ka fogeyn xarun ay ciidamada kumaandoosta ah ka sameysteen gudaha magaalada Aw-dheegle.

Qaraxan ayaa ahaa kii labaad ee ka dhaca degmada Awdheegle tan & markii ay la wareegeen ciidamada Dowladda, iyada oo kan kii ka horeeyay uu ahaa ismiidaamin lagu weeraray Saldhiga Ciidamada Dowladda.