Jadwalka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Galmudug oo la shaaciyey

Ciyaaraha Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta shaacisay Jadwalka Ciyaaraha degmooyinka Galmudug oo 26 bishan ka furmaya Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug.

Ciyaarahan ayaa waxaa ka qeybgalaya 6 degmo oo kala ah : Gaalkacyo, Cadaado, Dusmareeb, Cabudwaaq, Balanbale, iyo Hobyo. Waxaana la qorsheeyey in 25 bishan ay ciyaartoydu gaaraan Magaalada Gaalkacyo, halka maalinta xigta ciyaaruhu si rasmi u furmayaan.

Dhanka kale Bulshada Magaalada Gaalkacyo ayaa wada diyaargarowgii ugu dambeeyey ee martigelinta ciyaarahan, Waana markii ugu horeysay oo la qabto tartanka kubadda cagta degmooyinka Galmudug.

Dhawaanahan ayaa waxaa jiray khilaaf ka jiray halka lagu qabanayo ciyaaraha degmooyinka Galmudug, waxaana martigalinta dhacdadaan xusul duub ugu jiray Magaalooyinka Dusamareeb iyo Gaalkacyo.