Talo aan la ii dirsan… W/Q: Aweys Aar

Wararka Maanta

Talo aan la ii dirsan…

Mudane Madaxweyne waxaad tahay Madaxweynihii ugu horreeyay ee shacabku si kal iyo lab ah ay u taageeraan inta lagu jiro muddada 26ka sano ee qalalaasuhu na hareeyay sidaas daraadeed anigoo ka amba-qaadaya kaliya wixii xalay dhacay waxaan kugula talinayaa:

1- Dadka shacabka iyo ciidamada tirada badan ee markeey xaqiiqsadeen inaad adiga kusoo baxday madaxweynaha kuu bannaan baxay waxay ka dhigan tahay in lagu jecel yahay in ka badan intii la jeclaa madaxweynayaashii kaa horreeyay 8dii sano ee lasoo dhaafay sidaas daraadeed ku dadaal in ay kaa helaan waxa ay ka rajeynayaan dowladdaada, haddii kale 6-bilood ka dib wey ku karahsan doonaan.

2- Damaashaadka taageerada laguugu muujinayay darteed gabar baa ku dhimatay rasaas si farxad ah loo riday qof kalena wuu ku dhaawacmay degmada caabudwaaq, gabadha geeriyootay qoyskeeda waxay kugu leeyihiin diyada gabadhooda, qofka dhaawacmayna baxnaano, haddii kale kalsoonidaada ayay wax u dhimi doontaa.

3- Waxa kuu dibadbaxay waxaa ugu badan dad dhalinyarro ah, intii ay doorashada socotay waxay wacad ku mareen haddii cid aan adiga aheyn la doorto in ay dalka ka tegi doonaan, markii adiga lagu doortayna iyagoo faraxsan waxay ku dhawaaqayeen in aysan tahriib aadi doonin, sidaas daraadeed dhalinyaradaas wax ay dalka ku joogaan oo qorshe ah waa inaad dejisaa oo si dhaqsa ah u fulisaa, haddii kale xoog adiga lagugu jebiyo ayay noqon doonaan.

4- Farxadda iyo jaceylka ay kuu qabaan darteed ciidamadu waxay rideen rasaas badan oo tii dowladda ah, sidaas daraadeed waxaa lagugu leeyahay in aad si degdeg ah usoo iibisid rasaastaas la riday, haddii kale askartu wax ay kugu difaacaan ayay waayi doonaan.

5- Ciidamadii xalay shacabka u ogolaaday markii ugu horreeysay in ay gawaarida la raacaan waxay muujineysaa yidaddiilada ay ka leeyihiin dowladdaada, sidaas daraadeed sida ugu dhaqsiyaha badan u bixi mushaaraadka ka maqan, haddii kale isla iyaga ayaa amniga halis gelin doona.

6- Dad badan ayuu hadal ka tagay intii ay ololuhu socdeen laga yaabee qaarkood inaad dhibsatay oo si aan wanaagsaneyn ay dareenkaaga u saameeyaan, sidaas darteed dadkaas dhammaantood iska cafi, haddii kale waxaa laguu arki doonaa qof cuqdad badan oo awoodda dowladda ku aarsanaya.

7- Saraakiisha ciidamada waxaa lagu xamanayay in ay u xaglinayeen madaxweynihii hore, sidaas daraadeed adiga oo aan qiil kale oo sax ah u heyn xilkooda haka qaadin haddii kale waxay suurad xumeyn karaan amniga dalka.

8- Maamulka gobolka haku qiimeynin sidii uu saaxiib ula ahaa madaxweynihii aad tala kala wareegtay ee ku qiimee waxqabadkiisa haba iska yaraadee, haddii kale waxaa hakad geli doona shaqada gobolka ee hadda socota.

9- Al-shabaab waxay kaa mudan yihiin abaalgud iyo mahadcelin, sababtoo ah ayadoo la ogyahay in dad badan ay u god galeen taageeradooda dowladda darteed ayaa xalay aysan waxba geysan intii dibad-baxyada adiga lagugu taageerayay ay socdeen.

10- Ha ii arkin inaan ka mid ahay dhalinyaradii ololahaaga wax ka wadday, kaliya saxafi talo kuusoo jeediyay oo xitaa aadan ku qasbaneyn inaad ka qaadato ayaan ahay.

Mahadsanid
Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)
Saxafi Soomaaliyeed