Kenya: Dabley hubeysan oo weerartay Shaqaale Shiineys ah

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Booliska Kenya waxay sheegeen in xalay dabley hubeysan ay rasaas ku fureen goob ay dhismo ka waday shirkad Shiinees ah.

Taliyaha booliska Joseph Boinnet wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ay fashiliyeen weerarka ka dhacay deegaanka Shimbirey oo ku yaalla inta u dhexeeysa magaalooyinka Gaarisa iyo Madoogaashe.

Xarunta Shirkadda la weeraray ayaa la sheegay inay ka waday deegaanka Dhismaha Waddooyinka. Ilaa hadda lama sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii weerar uu ka dhacay magaalada Nairobi halkaas oo ay ku dhinteen 21 qof kaddib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaaday dhismaha DusitD2.