Afgooye:Nin Ganacsade ah oo xalay la Dilay

Wararka Maanta

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii ciidamo ka tirsan Shabaab dilkaan ay fuliyeen.

Dilka ayaa waxaa loo gaystay nin ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Abuukar Qaasim Mayow (Tushiiba), laakiin Shabaab oo dilkaan sheegtay ayaa waxa ay sheegeen inay dileen askari.


Al Shabaab ayaa dusha u saaray ninkaan ganacsadaha ah inuu ka mid ahaa Sirdoonka dowladda Federalka Somaliya, waxayna sheegeen in ciidamadooda amniyaadka ay ka dambeeyeen dilkaasi.

Xoogaga Shabaab waxa ay sheegteen muddo inay ku raadjoogeen macluumaadka ku saabsan Abuukar Qaasim, ugu dambeyna xalay ay dileen.

Dadka Degmada Afgooye ayaa la yaaban warka ka soo baxay Shabaab ee ku aadan in Abuukar uu xiriir la lahaa dowladda Somaliya, maadaama dukaan ganacsi uu ku lahaa Degmadaasi.

Saraakiisha Booliska Degmada Afgooye waxa ay sheegeen ruuxa la dilay inuu ahaa qof shacab ah oo ku ganacsada Degmada Afgooye.