Al-Shabaab oo Madaafiic ku weeraray Saldhig ciidamada Kenya

Wararka Maanta

Al-Shabaab ayaa xalay Madaafiic ku garaacay degaanka Ceel-raam oo ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka kenya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Kenya ayaa warbaahinta u xaqiiijiyay in ay jirto Madaafiicda lagu garaacay degaanka, waxaana ay ka gaabsadeen in ay Faahfaahin ka bixiyaan Khasaaraha ka dhashay.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ay iska caabiyeen Weerarkaasi, islamarkaana ay horay u ahaayeen xogta in Al-Shabaab ay kusoo qaadi rabaan Weerar.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in ay maqlaayeen daryanka Madaafiicda iyo sidoo kale ciidamada Kenya oo Jawaab ka bixinaayay.

War kasoo baxay  Al Shabaab ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu qaaday saldhigga Ceel-Raam uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada Kenya, islamarkaana ay si rasmi u beegsadeen Saldhigga ciidamada Kenya.

Ilaa iyo hadda lama ogga khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi, waxaana saraakiisha ciidamada Kenya ay sheegayaan in ay waddaan baaritaano.

Al-Shabaab ayaa waxa ay ku dhawaaqdeen dagaal ka dhan ah dowladda Kenya Sanadkii 2011-kii Markii ciidamada dowladda Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya.

Labadii sano ee la soo dhaafay, Al-Shabaab waxay diiradda saareen weerarrada gobollada Kenya ee ku yaalla  xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya  iyo Kenya.