Guddiga Joogtada Ee Golaha Shacabka oo ku gacan seyray soo jeedintii Xeer Ilaaliyaha Qaranka!

Wararka Maanta

Guddiyada Joogtada ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan uu maanta ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ka soo saaray Qaraar ku aadan xasaanad ka qaadista Xildhibaano uu dhowaan soo eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir.

Kulakan oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa laga soo saaray qaraar dhowr qodob ka kooban.

Guddiga Joogtada ayaa waxaa isku raacay in la joojiyay soo jeedinta ku saabsan xasaanad ka qaadida Xildhibaanada oo ka timid Xeer Ilaaliyaha Qaranka, kaasoo dhowaan soo eedeeyay Xildhibaan Xasan Macalin iyo Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuure.

Sidoo kale Guddiga Joogatada ayaa sheegay in maadaama aanu jirin sharci gaar ah oo tilmaamaya nidaamka ilaalinta xasaanada, habraaca loo marayo  xasaanad ka qaadida Xildhibaanada iyo habraaca loogu gudbin lahaa kulanka guud ee Golaha shacabka.

Hood ka Akhriso