kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmaya

Wararka Maanta

Waxaa Maanta lagu waddaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo kalfadhiga 3-aad Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  oo Fasax galay 16-kii December sanadkii tagay ee 2017, tan iyo Xiligaas waxa ay xildhibaanada ku maqnaayeen Deegaan doorashadooda.

Amniga xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay aad loo adkeeyay, waxaana lagu waddaa in uu furmo kal fadhiga Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla qodobo badan, sidda dhameystirka Sharciyadda muhiimka ah ee dalku u baahan yahay.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa sidoo kale xaqiijiyay in maanta uu si wadajir ah u furmi doono kal fadhiga Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa furi doona kalafadhiga sidda  sharciga ah, islamarkaana uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlaayo Xaaladda dalka.