Dhageyso:- Ciidanka Dawladda Oo Nin Wadaad Ah Ku Toogtay Wanla-weyn

Wararka Maanta

Wararka Saaka Ka Imaanaya Gobolka Shabeellada Hoose Ayaa Waxa Ay Sheegayaan In Wadaad Caan Ka Ahaa Degmada Wanla-weyn Ee Gobolka Shabeellada hoose Lagu Dilay Gudaha Magaaladaasi.

Ninka La Dilay ayaa Magaciisa Waxaa lagu Soo Koobay Macalin Nuur Waxa Uuna Ka Mid Ah Dadka Deegaanka Sida Ay Ceelhuur.com U Xaqiijiyiin Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Degmada.

Wadaadka la dilay Ayaa Waxa Uu dugsi Qur’aan Ku Dhigi Jiray degmada Wanla-weyn Ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha Saldhigga Degmada Wanla-weyn Gaashaanle Dhexe max’ed cabdulle Xasan Oo la hadlay Ceelhuur.com Ayaa Sheegay In Ninkan Ay Dileen ciidanka dawladda Ee Ku Sugan Degmada.

Taliyaha Waxa Uu Sheegay In Ninkaan Horay Uga Tirsanaa Al-shabaab isla-markaana Ay jirto Sabab Ku kallifay In Ciidanka Dawladda Ay Ninkaan Toogtaan balse taliyaha Ma Shaacin Sababta Wadaadkaasi Loo Toogtay.

Dhinaca kale taliyaha Saldhiga Degmada Wanla-weyn Ee Gobolka Shabeellada hoose Ayaa Sheegay In Ay ka Hortageen Banaanbax Maanta ka Dhici Rabay Degmada Kaas Oo Uu taliyuhu sheegay In Ay Sameynayeen dhalin-yarada Magaaalada Sida Uu Hadalka U Dhigay.

Ugu Dambeyn max’ed Cabdulle Xasan Taliyaha Sladhiga Degmada wanla-weyn Ayaa Xusay in Hadda Xaaladda Guud Ee Degmada Ay tagan tahay Isla-markaana Ay Shaqeynayaan isku Socodka Dadka Ku Dhaqan Degmada.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Saldhigga Degmada Wanla-weyn Max’ed Cabdulle Xasan:-