Sawirro: Askarigii Maraykan ee lagu dilay Somalia

Wararka Maanta

Warbaahinta Maraykanka ayaa saacadihii la soo dhaafay warbixino kala duwan ka qoray askarigii ka tirsanaa ciidamada Maraykanka ee shalay lagu dilay Somalia.

Askarigan oo la oran jiray Kyle Milliken ayaa ahaa 38 jir ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Maraykanka gaar ahaan qeybta Falmouth oo ka tirsan degaanka Maine.

Kyle Milliken ayaa noqday askarigii ugu horeeyey Maraykan ah ee Somalia lagu dilo tan iyo sanadkii 1993-dii sida ay shaacisay waaxda Gaashaandhiga Maraykanka.

Howlgalka uu ku dhintay Kyle Milliken oo ka dhacay degaanka Daresalaam ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa sidoo kale warbaahinta Maraykanku xaqiijiyeen iney ku dhaawacmeen labo askari oo Maraykan ah iyo turjubaan Soomaali ah, iyadoo wax khasaare ah uusan soo gaarin ciidamada kumandoska Somalia ee kuwa Maraykanka ku wehliyey weerarkan oo iyagoo dayuurado Helicobter ah wata ku degay degaanka Daresalaam halkasoo ay kula dagaalameen xoogaga Al-shabaab.

IMG_20170507_005240 IMG_20170507_005254 IMG_20170507_005257 IMG_20170507_005303 IMG_20170507_005306 IMG_20170507_005316 IMG_20170507_005319 IMG_20170507_005322 IMG_20170507_005325