Julian Draxler Oo Doonayay Barcelona Halkii Uu kaga Biiri Lahaa Arsenal

Ciyaaraha

PARIS, FRANCE - AUGUST 25: Julian Draxler of PSG during the French Ligue 1 match between Paris Saint Germain (PSG) and AS Saint-Etienne (ASSE) at Parc des Princes on August 25, 2017 in Paris, France. (Photo by Jean Catuffe/Getty Images)

Julian Draxler ayaa si gaar ah ugu sheegay saaxiibadiisa Jarmalka inuu doonayo inuu ku biiro Barcelona xagaagaan, sida laga soo xigtay wargeysyada Spain.

23 jirkaan ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Arsenal maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga, iyadoo wararka soo baxaya ay sheegayaan in kooxda Arsene Wenger ay weydiisatay Paris Saint-Germain inay ku wargaliso ciyaaryahanka khadka dhexe hadii la heli karo.

Laakiin Mundo Deportivo ayaa sheegtay in Draxler uu si qarsoodi ah ugu biiri rabay Barcelona, ​​isagoo aaminsan in kooxda reer Spain ay u imaan laheyd ka dib markii ay isku dayeen saxiixa Philippe Coutinho, Angel Di Maria oo ay  ku  guuldareystay.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegaya in wakiilka Draxler, Roger Wittmann, uu u safray Spain labo jeer oo kala duwan xagaagan si uu ugu soo bandhigo xiddiga heerka caalami ee dalka Germany.

Draxler ayaa sii joogay PSG, inkastoo uu yimid Neymar iyo Kylian Mbappe, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa kalsooni ku qaba inuu xilli ciyaareedkan si joogto ah u ciyaari doono.

W/Q Hafsa haji