Kabtanka Manchester City Vincent Kompany ayaa dhaawac soo gaaray ka hor kulanka isbuucaan ee Liverpool.
Daafaca 31 jirka ah ayaa ku soo bilowday seddexdii kulan ee furitaanka horyaalka Barclays Premier League ka dib markii uu dhaawac soo gaaray xilli ciyaareedkii 2016/17, halkaasoo uu 15 kulan u saftay tartamada oo dhan.
Kompany ayaa si joogta ah waxaa u hareeyeen dhaawacyo seddexdii xilli ciyaareed ee u danbeysay, xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium ayaa seegay tababarkii City Arbacadii ka dib markii uu dhaawac jilibka ka ah soo gaaray intii uu ku maqnaa ciyaaraha heerka caalami.
Het Laatste Nieuws ayaa sheegeysa in shaqaalaha caafimaadka ee kooxda ay rajeynayaan Kompany inuu taam u noqon doono kulanka Etihad sabtida, lakiin waxa ay ka walwalsan yihiin inuu si dhaqso ah ugu soo kabsan waayo daafaca dhexe.
Haddii Kompany uusan diyaar u aheyn inuu wajaho Liverpool, John Stones ayay u badan tahay inuu kusoo bilowdo line-upka Guardiola.
Iyadoo Roberto Firmino, Mohamed Salah iyo Sadio Mane ay dhamaan kulamada Liverpool ee xilli ciyaareedkan sameynayaan bandhig fiican.
W/Q Hafsa haji