Galmudug oo taageertay Sucuudiga & Imaaraatka (Akhriso)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa cadeysay mowqifka ay ka taagan tahay khilaafka wadamada khaliijka, waxaana warqad ka soo baxday Madaxtooyada Galmudug lagu cadeeyey in ay taageersan yihiin xulufada sucuudiga iyo imaaraatka, warqadan oo ku taariikheysan 19 September ayaa sax ahaanshaheeda waxaa u xaqiijiyey shabakadda ceelhuur.com masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Madaxweyne Axmed Ducaale ayaa maalmahaan ku sugnaa Magaalada Nairobi, halkaas oo aan la sheegin howlaha uu u joogo. Waa maamulkii shanaad oo kasoo horjeesta mowqifka dowladda dhexe ka qaaday khilaafka khaliijka, horey ayaa waxaa taageeradooda muujiyey maamulada Somaliland, Puntland, Hirshabeelle, iyo Koofur Galbeed.

Arinta xusidda mudan ayaa ah in warsaxaafeedyada kasoo baxay koofur Galbeed iyo Galmudug ay isku si u qoran yihiin. dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa dowladda dhexe awood u siinaya go’aan ka gaarista arimaha Siyaasadda dibadda, difaaca dalka iyo Maaliyadda. Waxaa cad in lacagta xulufada sucuudiga si fiican u shaqeysay, waxaana jawaab laga sugayaa barlamaanka Galmudug oo u xilsaaran la xisaabtanka xukuumadda.

 

Tagged