Jubbaland Oo Amar Dul-Dhigtay Mulkiilayaasha Kaalmaha Shidaalka Kismaayo

Wararka Maanta

Xilli Muddooyinkii Dambe Shacabka Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose Ka Cabanayeen Sara U Kac Dhinaca Shidaalka Ah Ayaa Markii Ugu Horreysay Waxaa Arrinkaasi Ka Hadlay Wasaaradda Tamarta Iyo macdanta Ee Maamulka Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo macdanta Jubbaland C/raxmaan Maxamed maxamuud Oo Saxaafadda La Hadlay Ayaa Sheegay In Ay Wasaaradda Soo Gaartay Cabashada Ka Timid Shacabka Reer Kismaayo Taas Oo La Xariirto Dhinaca Shidaalka.

Wasiirka Ayaa Sheegay In Cabashada Loo Soo Gudbiyey Ay Qayb Ka Aheyd Shidaalka Kismaayo la Geeyo Oo Aan Nadiif Aheyn, Iyo Sara U Kac Ku Yimid Qiimaha Shidaalka.

Wasiir c/raxmaan Ayaa Kormeer Uu Shalay Ku Tagay Kaalmaha Shidaalka Ee Kismaayo Waxa Uu U Kuur galayey Qaabka Ay U Shaqeynayaan Kaalmaha Waxa Uuna Sidoo Kale Kulamo La Qaatay Maamulayaasha Kaalmaha isaga Oo Kala Hadlay Cabashada Ay Usoo Gudbiyeen Shacabka Reer Kismaayo.

Wasaaradda Ayuu Sheegay In Ay La Xisaabtami Doonto Cid Kasta Oo Shidaal Aan Nadiif Aheyn Soo Gelisa Gudaha Magaalada Kismaayo Ee Xarunta KMG Ah Ee Jubbaland.

Sidoo Kale Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Jubbaland Ayaa Mulkiilayaasha Kaalmaha Ka Dalbaday In Ay Yimaadaan Xarunta Wasaaradda Si Loo Ogaado Tayada Shidaalka Ay Soo Gelinayaan Magaalada.

Muddooyinkii Ugu Dambeeyey Shacabka Ku Dhaqan Deeganada Jubbaland Gaar ahaana Kuwa Reer Kismaayo Ayaa Ka Cabanayey Qiimaha Shidaalka Oo Sara U Kacay Iyo Isaga Oo Aan Nadiif Aheyn.