Doon ku gubanaysa dekedda Boosaaso

Wararka Maanta

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Dakadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari doon ayaa waxa ay ku gubanaysaa meel aan sidaasi kaga fogeyn halka ay doomaha ku soo xirtaan ee Dakadda.

Sawirro la soo qaaday iyo muuqaalo la soo duubay ayaa muujinaayay qiiq iyo uuro cirka isku shareeray oo ka dhashay dabka ka kacay doonta gubatay.

Si cad looma oga doonta gubanaysa waxa saaran iyo sababta ka dambeysay dabkaan ka kacay, balse waxaa socda dadaalo kala duwan oo loogu gurmanaayo dabka ka kacay doontaasi.

Maamulka Dakadda Magaalada Boosaaso ayaa wada dadaalada ku aadan sidii loogu gurman lahaa doonta.

Dhawaan ayeey aheyd markii shacabka Magaalada Boosaaso oo iskaashaday ay badbaadiyeen hanti saarneyd doon ku caarisay Xeebta Magaalada Boosaaso.