Jawaari iyo dhigiisa Jabuuti oo Maanta tagaya Baladwayne

Wararka Maanta

Guddoomiyaasha Baarlamaanada Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan iyo Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa lagu wadaa in ay maanta oo jimce ah booqasho ku tagaan magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Ujeedada booqashada wafdigan oo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa wararka qaarkood ay sheegayaan in guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti uu doonayo inuu booqdo saldhigyada ciidamada nabad ilaalinta dowlada Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Baladweyne.

Wafdigan ayaa sidoo kale waxa ay kulamo la yeelan doonaan madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle iyo maamulka gobolka Hiiraan sida uu sheegay mas’uul ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.

Booqashada wafdigan ee magaalada Beledweyne oo ah tii ugu horeysay ee nooceeda oo kale ah ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu warbixin ka siiyo mas’uuliyiintan xaaladaha ka jira gobolka Hiiraan iyo guud ahaan Hirshabelle.

Madaxweyne Waare oo fadhigiisu yahay magaalada Jowhar ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Baladweyne. Guud ahaan ammaanka magaalada Baladweyne ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamada ay ku sugan yihiin goobaha muhiimka ah iyo wadooyinka waaweyn ee magaalada Baladweyne.