Wasaaradda Amniga Gudaha Somalia ayaa sheegtay in wili aysan hayn Macluumaad Dhamaystiran oo ku saabsan baarintaankii Qaraxii Zoope waxayna xustay in warbixintii 16 October ay wax ka qadanaayeen.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Sawirka loo adeegsaday Ninka ay ku sheegtay Muqtaar Gar-dhuub inu ahaa qalad islamarka an wili lahaynMuqtaar Gar-dhuub iyo Sawirkiisa oo ay ku sheegtay Madaxa Amniyaadka Al-Shabaab.sido kale waxay soo bandigtay Sawirka nin ay ku sheegtay Muqtaar Maxamuud Xassan oo ah ninkii Damiintay Gaariga TM ah ee is Qarxiyay Muqtarka Danbe oo sawirkiisa la soo bandhigay Wasaaraddu way sheegtay Macagiisa oo sadexan balse waxaa wili Muuqda Shaki ah waa kuma Muqtaar Gar-dhuub miyay Muqtaaradu hal yihiin waxaa Muuqata in Wasaaraddu ninkaan Xogtiisa ku jahwareersan tahay wili.
Si lamida Warbixintii 16 October Wasaaradda Amniga waxaa lagu so bandigay Nin lagu sheegay Cabdiwali Axmed Diiriye oo ay Wasaaraddu ku tilmaantay Madaxda Qaraxyada Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir halka Warbixinta Danbe lagu sheegay Madaxa Qaraxyada Cabdiwali Cabdi-qani.
Arintaan waxay dhalisay shakiga ah Kalsoonida lagu qabi karo Wasaaradda garahaan Sirdoonka waxaan kaloo la ogayn waxaa ay Dowladdu ka yeeli doonto dadkii sida an ka fiirsiga lahayn loo isticmaalay Sawiradooda.Najab xoogan oo ku aadan Aqoonta iyo waaya aragnimada hay’adaha Amniga ayaa Xiligaan taan waxaana yaraan doonta cida Aaminta Xitaa haday keenaan Xog saxan oo ku aadan Xasuuqii Zoope.
Xagee Wax ka qaldan yihiin?
Marka horaba Somalia malaha Sirdoon sax ah oo keeni kara Macluumaad Dhamaystiran dadka ku Magacaaban Hay’adaha Amnigu maha Kuwa aqoon u leh Shaqada ay hayaan Tusaale Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Ducaale(Islow) oo ah shaqsiga ay hoostagaan Dhamaan Hay’adahaani waa suragal inuu kala yaqaan jidadka Muqdisho oo wuu ku dhashay balse malaha Aqoon iyo Qibrad amni toona ee waa nin bartay Cilmiga Computer waana mid kamida waxyaabaha Shaqada jahwareeyay.
Dhanka kale ma jiro qalabkii lagu ogaan lahaa Macluumaad sax ah sida uu sheegay Taliyihii Nabad-sugidda ee Xilka laga qaaday Sanbloolshe oo xusay in Xitaa Sirdoonka reer Galbeedku aysan kuw Somalia xogta la wadaagin
Ku dhawaad mudo bil Dalku malaha Taliyayaal Boolis iyo Nabad-Sugid kadib Xilka qaadistiii Sanbaloolshe iyo Saacid 29 October waana mid kamid qodobada loo cuskan karo Salfadhin la aanta Warbixinta Qaraxii Zoope.
Ugu danbayntii Madaxwayne Farmaajo oo indhaha ka eegaya qaladaadka hay’adaha Amniga Waxaa looga fadhiyaa dib u habaynta Wasaaradda iyo hay’adaha hoostaga garahaan soo magacaabista Taliyaaal Nabad-Sugid Iyo Boolis oo aqoon iyo Waaya aragnimo u leh shaqadaan. sidoo kale dib u qaabaynta Sirdoonka Somalia oo markasta Ku dhalilan Shaqada ay hayaan.
Ceelhuur Online
www.ceelhuur.com
W/Q:Ali-yare Abdiwahab Aden