Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) Taliyaha Hoggaanka Howlaha Booliska Soomaaliyeed horeyna u soo ahaa Taliyahii hore ee Ciidanka Booliska qaybta Gobolka Banaadir ayaa sheegay Ciidanka Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa Booliska in ay isku howli doonaan sidii wax looga qaban lahaa ammaanka Hoteellada ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) shacabka in looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidanka ammaanka, si looga hortago weerarada Shabaabka ay ka geystaan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hoteellada.
General Cali Gaab ayaa hadalkaan ka sheegay mar uu xalay ka qeybgalaayey dib u furista mid ka mid ah Hoteellada Muqdisho ee ku bur buray weeraradii Al-shabaab ku qaadeen.