Sawiro: Maxaa U qabsoomay DFS Asbuucii Tagay

Wararka Maanta

Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

 

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

 

Ciidanka XDS oo dilay Maleeshiyaad miino aasayey

 

15kii June 2017 ayey Ciidamada XDS dileen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo miino waxyeello geysatay ku aasay waddada isku xirta degmooyinka Jowhar iyo Balcad. Ciidamo watay sadex gadiid ah kana tagay degmada Balacad oo ku sii jeeday Jowhar ayaa miino lagu aasay dhulka ku qaraxday. Qaraxa kadib ayey ciidamadu bilaabeen howlgal ay ku baacsanayeen maleeshiyaadka aasay Miinadaasi halkaas oo ay ku dileen maleeshiyaadkii miinada aasay.

 

Wadatashiga Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka oo lagu qabtay Garowe

 

Wasaarada Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo waday barnaamijka wadatashiga hannaanka dib-u-eegista dastuurka ayaa usbuucan kulamo wadatashi ah ku qabatay Garowe, caasimada Puntland. Wasiirka Dastuurka ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Puntland, Guddooomiyaha Baarlamaanka, mas’uuliyiin kale iyo qeybaha bulshada Puntland. Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi oo ka dhacay Xarunta Cilmibaarista ee Nabadda iyo Horumarinta Puntland u qabatay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ee deegaanada Puntland.

 

Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqmaasuqa oo la diyaariyey

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed (Khader) ayaa 14kii June 2017 xafiiskiisa kala wareegey Wasaarada Cadaalada Hindise Sharciyeedka La dagaalanka Musuq-maasuqa kasoo la qorsheenayo in la horgeeyo Golaha Wasiirada Soomaliya si ay uga doodaan Sharcigan cusub ka dibna ay u ansixiyaan. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa u mahed madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada Cadaalada, maadaama ay wakhti badan galiyeen sidii loo dhameys tiri lahaa sharciga la dagaalanka Musuq maausaqa oo baahi badan loo qabo inuu shaqeeyo, sidoo kalena waxuu tilmamey iney turjumeen sharcigii hore ee Musuq maasuqa kasoo lagu dhaqmi jirey 1968-kii oo ku qornaa luuqada Talyaaniga.

 

Dowlada Federaalka oo Hirgelineysa Dib-Heshiisiin Qaran

 

Ra’iisul Wasaare ku -xigeenka XFS ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa 13kii June 2017 si rasmi ah u daah furey shirka Wadatashiga Dib-u-heshiisinta Qaran, Xog-ururinta Khilaafaadka iyo Xalkooda kaas oo socday 4 cisho, laguna qabtey Muqdisho. Waxaana ka soo qayb galey Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u hushiisiinta Soomaaliya, Qaar kamid ah madaxda dalka, Xubno ka socdey Maamul Gaboleedyada, Odayaasha dhaqanka, Abwaano iyo qeybaha kala ee bulshada. Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegey in shirkan uu horudhac u yahey dib-u-heshiisiin dhab ah oo loo sameeynayo shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna tilmaamey sida loogu baahan yahey in shirkan wadatashi ey ka soo baxaan qodobo dhaxal gal u ah bulshada Soomaaliyeed, waxuuna balan qaadey iney dhaqan galinayaan go’aanada laga gaaro shirka.

 

Dowlada Federaalka oo Mideyneysa Hannaanka Canshuuraha Dalka

 

Wasiirka Wasaaradda Maaaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa 12kii daahfuray Shirweyne ay Wasaaradu ku casuuntay Wasaaradaha Maaliyada ee Dowlad Goboleedyada kaas oo lagu mideynayey canshuuraha iyo dakhliga dalka iyo sidoo kale xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga. Wasiirka Maaliyadda ayaa wasiirada iyo xubnihii kale ee shirka ka qeybgalay u sheegay in mas’uuliyad weyn ka saaran tahay sidii dalkan isku filaansho dhaqaale u gaari lahaa. Ka qeybgaliyaasha shirka ayuu wasiirka ku adkeeyay in ay ka shaqeeyaan sidii dalkeenu u noqon lahaa mid amaano leh isla markaana canshuur bixiyeyaasha ay ku kalsoonaan karaan si taa loo helona ay tahay in la sameeyo isla xisaabtan joogto ah. Ugu dambeyntii wasiirka, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan ay tahay in wada shaqeyn joogto ay dhex marto wasaaraddaha maaliyadda ee dowlad goboleedyada iyo tan dowladda federaalka isla markaana arintaas xooga la saaro.

 

Saldhiga tababarada Al-Shabaab ee Saakow oo la burburiyey

 

11kii June 2017 ayaa ciidamada XDS iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka waxey ku guuleysteen inay bur-buriyaan saldhig weyn oo kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab ku lahaayeen meel u dhow Degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe. Hawlgalkan ayaa waxaa fuliyey ciidadanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamada kale ee caalamiga ah. Guushan ayaa waxay wiiqaysaa awoodda cadowga uu kusoo abaabulo weerarro cusub.

 

Dowlada Federaalka oo hirgelisey Tababarka Fahamka Xaquuqda Carruurta

 

Tababar wacyi galin ah oo la xiriirta Fahamka Xuquuqda Carruurta, diyaarinta warbixinta heshiiska Caalamiga ee Axdiga Carruurta ayaa loo qabtay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, Saraakiisha hay’adaha Dowladda iyo Bulshada Rayidka 11kii June 2017. Siminaarka oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saaray inta uu socday wacyigelinta fahamka xuquuqda carruurta. Ujeedka tababarka ayaa ahaa in si fiican qeybaha bulshada looga fahamsiiyo xaquuqda carruurta, isagoo intaa ku daray inay joogteyn doonaan tabbabarada nuucaani oo kale ah.

 

Dowlada Federaalka oo qorsheyneysa soo nooleynta Dalxiiska

 

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo 16kii June 2017 kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Caalamiga ah (Word Tourism Orgnanization) Mr Taleb D. Rifai ayaa sheegay in Dowlada Federaalku ay wado qorshihii dib u soo nooleynta Dalxiiska Soomaaliya si bushada caalamka ay ugu soo dalxiis tagaan dalka, tanoo keeneysa maalgashi caalami ah iyo shaqo-abuur ay dhalinyaradu ka helayaan. Bacdamaa uu amniga soo roonaanayo ma aha in la sugo inta wax walba ka hagaagayaan ee waa inaan jiilka cusub u sii diyaarinaa jawi dalku uu kula tartami karo caalamka intiisa kale. Kulanka Xoghayaha Guud ee WTO waa fursad ay Soomaaliya ay ku dooneyso inay door ku yeelato Hay’ada Dalxiiska Caalamiga.

 

-DHAMAAD-FB_IMG_1497693679412FB_IMG_1497693627173

FB_IMG_1497693650026FB_IMG_1497693679412 FB_IMG_1497693674628FB_IMG_1497693667178FB_IMG_1497693658008FB_IMG_1497693641375FB_IMG_1497693646313

FB_IMG_1497693679412