Isticmaalka Taabuuka iyo Xanuunada laga dhaxlo

Arimaha Bulshada Caafimaadka Wararka Maanta

Inta aanan u galin dulucda Maqaalkaan, bal marka hore aan qeexno, waa maxay Taabuuk, inteese laga keenaa?, Taabuuku waa nooc ka mid ah Tubaakada, taasoo Afka la gashado, taasoo ay dadka cuno ku tilmaamaan inay ka helaan firfircooni, balse ma oga dhibaatada ay ku keeni karto caafiaad ahaan, waxaana laga keenaa Dalka Kenya, waxaana keena Diyaaradaha Qaadka.

Baaritaan lagu sameeyay Dadka cuno Taabuuka ee ku nool Soomaaliya, ayaa waxaa lagu qiyaasaa inay cunaan dhallinyarada, gaar ahaan kuwa dhigta Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha.

Baartiaanno kale oo dheeraad ah oo lagu sameeyay Dadka isticmaala Taabuuka ayaa lagu sheegay inay u badan yihiin Gabdhaha, taasina waxaa lagu ogaaday, dadka ka shaqeeya nadaafadda goobaha Waxbarashada ayaa sheegay inay ka soo ururiyaan Taabuukaasi musqulaha Gabdhaha, waxaase la yaab leh maxaa u sabab ah inay cunaan Hablaha da’da yar e mustaqbal ku leh Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed?, waase su’aal u baahan in dib loo baaro.

Dalkeenna Soomaaliya waxaa marka hore dhibaato ku haayay Qaadka,Sigaarka, Shiishadda ama Badeecada iyo Tubaakada, kuwaasi oo maaro loo la’aa, waxaase hadda ku soo biiray nooc ka mid ah Daroogada oo lagu magacaabo Taabuuk, taasoo ah halis kale oo soo food saartay Dhallinyarada soo koreysa, taasoo la doonayo in lagu baabi’iyo Jiilkaasi soo koraya.

Qofka cuna Daroogada Loo yaqaano Taabuuga ayaa loo diray digniin xooggan oo dhanka Caafimaadka ah, haddaba sida aan ognahay wax kasto oo daraagis ah Saameen ayay ku yeeshaan isticmaalaha, sidii doontaba ha ahaatee, waxaa lagu faafiyay Baraha Bulshada dhibaatada uu taabuugu u geesto Dadka isticmaala, taais oo Lagu muujiyay in uu aad u waxyeelooyo, Afka sida.Carabka.Ilkaha,Faruuryaha,Qaaxada iyo waliba Mindhiciradan, waxaana xusid mudan in Baakadka ay ku jirto Taabuuku ay ku dul qoran tahay Digniin ah, inta aad ka fileyso waxaa ka badan inta aadan ogeyn ee halis ah, si la mid ah digniinaha ku qoran Baakadka Sigaarka.

Digniino badan ayaa lagu faafiyay Baraha Caafimaadka waxaana u badan dadka cuna dhalinyarada, waana qeyb ka mid ah digniinaha loo diro Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Haddaba sidaan ayuu noqonayaa Qofkii Isticmaala Taabuuka Afkiisa.

Isha: Sonna