Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Maxamuud Xasan Axmed Baasto ayaa magacaabay Qeybta 1aad ee Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 11 Wasiir.
Wasiirka cusub ee Madaxtooyada Galmudug Cumar Guureeye ayaa saxaafadda u aqriyey liiska Golaha Wasiirada cusub.
- Mudane Maxamed Cabdi Maxamed, Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka.
- Mudane Maxamed Xayir Nuur, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose.
- Mudane Cismaan Maxamed Cali [Cismaan Dheere], Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
- Mudane Mursal Cabdiraxmaan Axmed, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.
- Mudane Xasan Keynaan Xalane, Wasiirka Biyaha iyo Korontada.
- Mudane Cumar Maxamed Diiriye [Cumar Guureeye], Wasiirka Madaxtooyadda
- Mudane Cabdiraxmaan Jaamac Afrax, Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka.
- Mudane Cismaan Ciise Nuur [Taardhuleed], Wasiirka Amniga
- Mudane Maxamed Aadan Qalabxoor, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.
- Mudane Daahir Xasan Xuseen, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta.
- Mudane Cabdixakiin Cali Guure, Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga
Madaxweyne Baasto ayaa la filayaa inuu dhawaan soo dhameystiro dhismaha Golaha Wasiirada Galmudug, Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka .