Isku Shaandheyn lagu sameeyey Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka

Wararka Maanta

Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayey Guddoonka Goluhu ku go’aamiyeen in dib-u-habeyn lagu sameeyo Guddiga Maaliyadda, iyada oo Guddiga la faray in Miisaaniyadda 2019 la horkeeno Golaha 30/12/2018 si loogu codeeyo.

Waxaa Guddiga lagu soo daray xubno cusub oo ku jiray Guddiyo kale, iyadoo laga saaray Guddoomiyihii hore ee Guddiga Maaliyadda Xildhibaan Cali Caliyow, Guddoomiye kuxigeenka Xildhibaan Maxamed Soomaali iyo Xoghayihii Guddiga Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur iyo xubno kale.

Halkan Hoose ka Kha Akhriso Wareegtada