Indhacade:Alshabaab madaxtooyada’wasiirada iyo baarlamaanka ayay ka tirsanyihiin

Wararka Maanta

Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo horay u soo noqday Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga ayaa sheegay inuu kordhay ku milanka Al-Shabaab ee Hey’addaha dowladda, isagoo caddeeyay inay Al-Shabaab ku jiraan meel walba oo dowladda ka mid ah.

Wareysi uu siiyay Raadiyaha Kulmiye ayuu ku sheegay inay lama filaan ku noqotay in Fanaan Al-Shabaab ah la helo, isagoo xusay in taas ay meesha ka saareyso inay Al-Shabaab diinta ka been sheegayaan.

“Waa korortay ku milanka Al-Shabaab ee hey’adaha dowladda, nimankaan diin ayay ku bilwdeen oo ay ka been sheegayeen, maantana waxay isu bedeleen niman Maafiyo ah sida maafiyadii Talyaaniga oo kale, maafiyada marka ay awood beeshay waxay isu bedeshay koox dadka dhaca, dadka baada albaab walba ku jira, haddii ay dowlad tahay iyo rayid”ayuu yiri Yuusuf Indha Cadde.

Jen. Indha Cadde ayaa sheegay in sababaha Al-Shabaab ugu milmeen hey’adaha dowladda ay sabab u tahay in hey’adaha amniga dadkii shaqadaas yaqaanay aanay joogin, oo aanan weli laheyn dadkii arrimahaas yaqaanay oo meel walba uga daba tagi lahaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Al-Shabaab aanay dagaal ku socon, taasna ay keentay in aanay mashquulin oo ay ka fikiraan in meel kasta oo hey’adaha dowladda ka mid ah ka galaan.

“Waxaa jirin Hey’ddii shaqadaas qaban laheyd Nabadsugida waxaa la rabay in meel kasta hey’adaha dowladda ka mid ah inay dad ku lahaadaan, hey’addii shaqadaas laheyd baa meesha ka maqan”ayuu yiri Yuusuf Indha Cadde.

Mar uu ka hadlay arrin hada ka hor qabsatay oo ahaa in Madaxweynaha uu isaga iyo Jeneraalo kale u yeeray xilli habeen ah, loona dirayay waajibaad, ayaa waxaa uu sheegay in markii shirkaas ka soo baxay subaxdii hore laga soo wacay deegaanka Janaale, loona sheegay wixii dhex maray Madaxweynaha iyo Guddigii saraakiisha ee Jeneraalada ahaa oo isugu jiray Soomaali iyo Ajnabi, isla markaana markii la soo wacay loo sheegay inay ka war hayaan oo ay ogyihiin inaa soo socdo, meel walba biyo ku furnay, waana kaa gaashaamanay, waa ku sugeynaa, ayay i dhaheen.

“Al-Shabaab meel walba ayay ku jiraan, Madaxtooyada ayay ka mid yihiin, Baarlamaanka ayay ka mid yihiin Golaha Wasiirada, hey’adaha rayidka iyo ciidamada qalabka sida, meel aysan ka mid aheyn ma jirto”ayuu yiri Indha Cadde.