Amisom oo faarujisay saldhigooda ciidan ee Mahadaay

Wararka Maanta

Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ku sugan degmadaas ay qorsheynayaan inay faarujiyaan saldhigyada ay ku leeyihiin magaalada Mahaday.

Qaar ka mid ah maamulka degmada Mahaday ayaa u xaqiijiyay jowhar.com inay ku jiraan diyaargarow iyo qalab urursi ciidamada nabad ilaalinta AMISOM gaar ahaan wadanka Burundi.

Sidoo kale, xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim oo ka mid xildhibaanada Hirshabelle ayaa sheegay in ay jirto cabsi xoog leh oo la xiriirta ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee degmada Mahaday.

Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa waxaa la qorsheynayaa inay si tartiib tartiib ah ay isaga baxaan dalka Soomaaliya.

Hore ayaa ciidamo ka tirsan AMISOM isaga baxeen deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe,iyadoo lagu bedelay ciidamo SOOmaali ah.