Marouane Fellaini Oo Ka Maqnaan Doono kulanka CSKA Moscow

Ciyaaraha

Marouane Fellaini ayaa laga saaray kooxda Manchester United ee wajaheysa CSKA Moscow tartanka Champions League sababo la xiriira dhaawac soo gaaray kulankii Southampton.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa waxaa qabtay Shane Long intii lagu jiray qeybtii hore ee Red Devils ‘1-0 kaga badisay garoonka St Mary’s Stadium, tababaraha Jose Mourinho ayaa dareensanaa inuu u qalmo inuusan ciyaarin.

Fellaini  qeyb kama aheyn kooxda safarka u aheyd ee Russia oo galabta oo Isniinta, iyadoo dhaawac canqowga ah uu u baahan yahay waqti uu ku bogsado.

United ayaa durbadiiba ka maqan ciyaartoydeeda khadka dhexe, iyadoo Paul Pogba uu la dhibtoonayo dhaawac muruqa ah kaasoo la filayo inuu ka maqnaado ugu yaraan bil kale.

Fellaini, ayaa lagu soo waramayaa inuu qandaraas cusub u saxiixi doono Old Trafford, waxaana uu lix kulan u saftay United tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

W/Q Hafsa haji