Ilhaan Cumar oo ku Guulaysatay kursiga Baarlamaanka Minnesota ee degmada 60-B (Sawirro)

Wararka Maanta

Ilhaan Cumar oo ah gabar Somaliyeed ayaa si hordhac ah loogu sii caleema saaray in ay noqoto xildhibaanka Barlamaanka Minissota u matali doona degmada 60-B ka dib tartan adag oo ay la-gashay mushariixiin kala duwan.
Gabadhan ayaa ka guulayasatay haweeynayda mudada dheer kursigan ku soo fadhiday ee Phyllis Kahn iyo waliba Maxamuud Nuur oo ah wiil Soomaaliyeed ,kaasi oo isna loolan adag u soo galay sidii uu ugu guulaysan lahaa kursigan.

2016810636063936069704531Illhhha
Mar ay la hadlaysay taageerayasheeda oo ay ku jiraan bulshada Somalida ah ee Maraykanka degan ayaa waxa ay u mahad-celisay cid walba oo ka qayb-qaadatay guushan oo ay ku sheegtay in ay tahay taariikh cusub.
“Taageeradiina ayaa keentay waxaan oo guul ah ,waxaan marar kala duwan ka soo qayb-galay ololayaal caynkan oo kale ah ,balse wali ma arkin koox ka wanaagsan kooxda ololaha doorashadayda ” ayey tiri Ilhaan Cumar.
“Waxaan rabaa in dhamaantiin aan idin xasuusiyo in aysan jirin cid niyad-da ku haysay in guushan oo kale aan gaari karno,waxaana jiray bilowga ololahayga kuwa igu yiri ma guulaysan kartid, mararka qaarkood sababo aan ku aamini karay ayaa jiray ” ayey mar kale tiri Ilhaan oo ay ka muuqatay shucuurta guusha.
“Dhamaanteen waxaan halkan isugu nimid in aan aamin-no samaynta taariikh macquul ahayd oo ah in qof Somali ah ku guulaysato kursigan ,waxaan rabaa in halkan aan uga sheego in aan matalayo bulsho aaminsan isbadalka “ ayaa kamid ah hadalada xildhibaanad-da oo ay garab taagnaayeen qaar kamid ah qoyskeeda.

2016810636064021200603641Emotional

“Waxaan u baahan-nahay hogaamiyayaal badali kara bulshadeena ,waxaa jira dhalinyaro tiro badan oo shaqo la’aani ay hayso “ ayuu yiri Xasan Cabdi oo kamid ah Soomaalida Minneapollis ,kaasi oo markii ugu horeysay codkiisa dhibtay shalay.
“Marka la joogo wadankaygi hooyo ,Rag-ga ayaa ku awood badan dhinac kasta ,tani waa fursadda kaliya ee aan ku muujin karno in haweenka ay samayn karaan wax walba oo ay rag-gu awoodaan “ ayuu mar kale yiri ka dib markii uu codkiisa ka soo dhiibtay Brian Coyle.
Ayuub Shariif oo isna codkiisa ka soo dhiibtay halka lagu magacaabo Cedar-Riverside ayaa sheegay in uu usoo codeey Ilhaan ,isaga oo xusay in hadda ka hor ay ka caawisay in qoyskiisa uu ka soo dhoofsado dalka Kenya .
Maxamed Jaamac oo la taliye dhinaca ololaha u ah Ilhaan ayaa sheegay in ay dhici karto in dadka codaynaya aan la siinin tilmaamihii saxda ahaa ee doorashada isaga oo cabasho arinta la xiriirta u gudibiyay garyaqaanka jooga Brian Coyle Center oo ah halka ay dad-badani codadkooda ka dhibanayeen.
Ugu danbayn ,Soomaali badan ayaa siyaabo kala duwan u soo dhaweeyay guusha Ilhaan Cumar ee xisbiga dimuqraadiga,waxaana lagu wadaa in doorashooyinka guud oo dhici doona bisha Novembar ay si rasmi ah u noqoto xildhibaanad-da barlamaanka Minisota u matali doonta degmada 60-B.

Xigasho: Hiiraan.com

Comments are closed.