Faragalinta Imaaraatka Carabta ee Doorashada Soomaaliya (Warbixin)

Wararka Maanta

Soomaaliya oo xiligan ku jirta kala guur siyaasadeed ayaa wajaheysa caqabado dhaqaale iyo faragalin shisheeye oo ku aadan doorashada dalka ka socota, waxaana hadda la guda galayaa doorashada xildhibaanda aqalka hoose oo ay soo dooranayaan ergo laga soo xulayo beesha xildhibaanka iska leh.

Dhowr jeer ayay doorashadu dib u dhacday sababo u badnaa dhaqaalo xumo jirtay, iyadoo dowlad soomaaliya oo isku halaynaysay kaalmaha beesha caalamka aysan arintu u dhicin sidii ay filaysay, beesha caalamka ayaa bahdilaad iyo amar ku taagleyn ku haysa madaxda Soomaaliya, waxaana xataa dhaqaalaha laga qaadayo musharixiinta lagu shubayaa akoono ay beesha caalamku ka fureen dalka Kenya, taas oo ka dhigan in lacagtii yareyd ee dad musharixiinta ah bixiyeen in loo aamini waayey dowladii iyo dadkii Soomaaliyeed.

Dhanka kale waxaa dhawaan Soomaaliya ka socday loolan ay wadeen labada dalka ee Turkiga iyo Imaaraatka carabta, oo isku garbinaya sidii ay u hanan lahaayeen ilaha dhaqaalaha dalkeena, waxaana dadka soomaaliyeed marqaati ka yihiin kaalinta Turkigu ka geystay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, waliba xilli loo baahnaa, halka Imaaraatka oo uu gadaal ka riixayo Maraykanku ay dooneyso in ay barabixiso saameynta Turkiga dalkeena ku leeyahay.

Imaaraatka Carabta ayaa horey u bixisay 300 Milyan oo ah dhaqaalihii lagu riday madaxweynihii Masar Maxamed Mursi oo ay reer galbeedku u arkayeen wadaad aysan isku dhan wax ka arkin, taas oo keentay in loo maleegay qorshe ay horboodayeen sucuudiga iyo imaaraatka carabta, waxaana xusid mudan in dowladda Jabuuti ay iska erisay shirkadii imaaraatka ee maamulaysay dekada dalkaasi, taas oo ay ku badasheen shirkado shiinaysa ah.

Waxaana Imaaraatku madaxdu dalkeena ku indho sarcaadiyeen dhaqaale farabadan, dhawaan ayaa wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed ibraahim Fargeeti ka dhawaajiyey in shirkadaha Turkiga ee maamula dekada iyo garoonka diyaaradah Aadan cadde ay diideen in lala xisaabtamo, taas oo u muuqata marmarsiiyo loogu gogol xaarayo in Turkiga loogu abaal dhaco, dowladda Turkiga oo dareensan arintaas ayaa 27 bishan qoraal kooban oo ay soo dhigeen barta  facebookga ee safaaradda Turkiga ee Muqdisho ku muujiyeen in faragalin lagu hayo doorashada Soomaaliya.

turkish-embassy

Imaaraatku dhawaan ayey heshiis la galeen maamulka Somaliland, heshiiskaas oo dhigaya in shirkadda DP world ay maamusho dekada Berbera, dowladda federaalka ayaanan wax wadatashi ah lagala sameyn heshiiskaas, taas oo ka dhigan in imaaraatku ku xad gudbay madax banaanida dalkeena, Soomaalida ayaa ku maahmaahda MEYD MAXAA U DAMBEEYEY, KAN LA SII SIDO, caawa waxaa Dalka Imaaraatka carabta ku sugan Madaxda Maamul goboleedyada Soomaaliya( Guuleed Galmudug, Shariif Koofurgalbeed, Madoobe Jubbaland,  Gaas Puntland), oo waliba si qarsoodi ah intooda badan ku aadeen, waxaana arintan shaki ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed sababta aan loo shaacin ujeedada ay madaxdaan u tageen dalkaasi.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud uu dhawaan safar qarsoodi ah ku tagay dalkaasi, waxaana kaga dambeeyey Madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana sidoo kale imaaraatka tagay dhawaan Musharixiin u tartamaya oo uu ka mid yahay Sheekh Shariif, imaaraatka ayaa ka cabsi qaba in doorashada madaxtinimada dalka uu ku soo baxo nin ka hor imaan kara danahooda.

Waxaa isweydiin mudan Imaaraatku halkee jireen kolkii Turkigu inoo soo gurmanayey abaartii 2011? sow ma cadda in ujeedada imaartaatku yahay sidii looga hortagi lahaa saameynta Turkigu ku yeeshay bulshada iyo dowladda Soomaaliya.

W/Qorey: Maxamed Dhagacade

Tifaftiraha Ceelhuur Online

Email: ceelhuuronline@gmail.com

Tel: +252615803765

www.ceelhuur.com

https://twitter.com/ceelhuuronline

https://www.facebook.com/ceelhuur.net

Comments are closed.