Hogaamiyaha aqlabitada baarlamanka kenya oo gaaray kismaayo

Wararka Maanta

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Aadan Barre Ducaale ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay xubno ka tirsan Baarlamaanka Kenya, kuwaasoo laga soo doorto Gobolka Waqooyi Bari ee NFD.

Wafdigan ka socda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku yimid diyaarad yar oo nooca Focker ah, waxaana ay toos ugu yimaadeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale wafdigan ayaa ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta ka dhaceysa Kismaayo.

Lama oga go’aanka dowladda Federaalka ka soo saari doonto tallaabadan cusub ee ku aadan in mar kale amarkii dowladda inuu jabay ee ahaa in diyaaradaha aadaya Kismaayo inay soo maraan Muqdisho.