Khatar Caafimaad oo ka dhalan karta Mobile-ka jeebka Surwaalka lagu qaato

Arimaha Bulshada Caafimaadka Wararka Maanta

Baqdinta laga qabay caafimaad daro ka dhalata mobile-ka oo lagu qaato jeebka surwaal ayaa sare u kacday, kadib markii quburo caafimaad sheegeen in mobile-ku oo jeebka surwaalka la gashto ay saameyn ku yeelato ragga, gaar ahaan dhanka taranka.

3820f29700000578-3781953-image-a-1_1473435950050

Cilmi baaristan cusub oo ka kooban 21 bog ayaa cadeynaysa in ragga taleefanka ku qaata jeebka surwaalka ay la kulmaan hoos u dhac dhanka fursadaha uu wax ku dhali karo.

Mobile ayaa horey loo sheegay in ku hadalkooda badan ay saameyn taban ku yeeshaan caafimaadka qofka, waxaa kaloo laga digay in qofku isticmaalo mobilka oo dabka ku jira, taas oo keeni karta inuu qarxo oo khatarka galiyo nolosha qofka adeegsanay.

Daraasada ayaa tilmaantay in raggu u nugul yihiin khatarka ka imaan karta mobile oo jeebka lagu qaato, waxaana mudan in qofku markasto la socdo khataraha ka dhalan kara arimahaan.

Comments are closed.